Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Xalay Dhex-maray Ciidammada Somaliland Ee Ku Sugan Aagga Tuke-raq

0
779

Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Xalay Dhex-maray Ciidammada Somaliland Ee Ku Sugan Aagga Tuke-raq

Maamulka gobolledka Puntland ayaa sheegay in dagaal xalay dhex-maray ciidamadooda iyo kuwa Qaranka Somaliland ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ay ku dileen 4 askari, halka ay dhaawac soo gaadhsiiyeen 14 kale – sida laga soo xigtay Taliyaha Kaydka Ciidamada Puntland Cumar Farawayne.

Sidoo kale wuxuu sheegay Taliyaha Kaydka Ciidamada Puntland Cumar Farawayne in ciidammada Somaliland ay ka gubeen 3 gaadhi.

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay dagaal xalay dhex-maray ciidammada qaranka Somaliland ee ku sugan aagga Tuke-raq iyo kuwa maamulka gobolleedka Puntland.

Xukuumadda Somaliland weli kama hadlin dagaalkan iyo khasaaraha ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here