Lamaane la qabtay “iyagoo xubno banii’aadam ku iibinaya” dalka Mexico

0
1108

Lamaane la qabtay “iyagoo xubno banii’aadam ku iibinaya” dalka Mexico

Booliiska dalka Mexico ayaa baaritaan ku haya lamaane la xiray iyaga oo wata xubno banii’aadam, waxaana lala xiriiriyay dilka toban ruux.

Markii ninka la xiray ka dib waxaa la sheegay in uu qirtay in uu 20 haween ah ku dilay goob ka tirsan magaalada Mexico City.

Baareyaasha ayaa xubno banii’aadam ku arkay gurigii ay lamaanahaasi daganaayeen iyo dhismo kale oo aan ka fogayn. Xubnaha ayayna ku hayeen firiij ama qaboojiye.

Baareyaasha ayaa sheegay in lamaanahan ay gadayeen xubnaha jirka dadka balse aysan caddayn cidda ay ka gadayeen.

Dumarka in la dilo ayaa caado ka ah dalka Mexico inta badanna cidna looma ciqaabo, balse faahfaahinta laga helay arrintan ayay caro ka dhalatay, waxaana ka dhashay in ay dadku mudaaharaad ka dhigaan waddooyinka Ecatepec oo ah deegaan ay ku nool yihiin dad danyar ah oo ka tirsan gobolka uu dhibkani ka dhacay.

“Dumarka ay dilaan carruurtoodana way gadi jireen”

Dadka dariska ah ayaa sheegay in lamaanahan ay mar walba wadan jireen gaariga carruurta lagu riixdo, kaas oo markii dambe ay booliisku ka heleen xubnaha jirka.

Booliiska ayaa istaajiyay oo baaray ka dib markii bishii Sebtembar la waayay Nancy Huitron oo 28 jir ah iyo ilmo yar oo ay dhashay Valentina oo labo bilood jiray.

Nancy HuitronLahaanshaha sawirkaEDOMEX PROSECUTOR’S OFFICE

Markii eedaysanaha oo magaciisa lagu sheegay Juan Carlos uu qirtay in uu dilay Huitron waxaa kale oo uu magacabay Arlet Olguín oo 23 jir ah iyo Evelyn Rojas oo 29 jir ahayd, kuwaas oo uu sheegay in uu khaarajiyay.

Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in sidoo kale uu qirtay in uu dumarka tacaddi galmo u gaysan jiray inta uusan dilin, intaas ka dibna uu gadan jiray wixii ay wataan iyo qaybo ka mis ah xubnaha jirkooda.

Saddexdaas dumarka ah oo dhamaantood garoob ahaa ayaa la waayay bilihii dhawaa.

Huitron ayaa la waayay lixdii Sebtembar iyadoo uu weheliyo ilmaheedu ka dib markii ay iskuul gaysay labadeeda gabdhood ee waawayn.

Markii gabdhihii la waayay wax iskuulka ka celiya, ayay dariskii qaylo dhaan direen.

Booliiska ayaa helay ilmihii yaraa ee Valentina ahaa kaas oo ay sheegeen in laga gaday lamaane. Intaas ka dibna ayaydii ayaa lagu wareeejiyay.

Isla xisaabtan la’aan

Baareyaashu waxay sheegeen in haweenaydu ay taqaannay Juan Carlos iyo lamaan tiisa ayna ka gadan jirtay dhar iyo cunto.

Baareyaashu waxay sheegeen in Patricia lagu khalday oo loosheegay in ay alaabo kale keeneen oo ay soo aragto.

Booliiska ayaa sheegay in Juan Carlos uu askarta ka codsaday in loo la biso oo suut loo xiro ka hor inta aan saxaafadda la horgaynin “sababtoo ah dambiile wasakh ah ma ihi” ayuu yiri.

Gobolka Mexico waa gobolka dumarka ugu badan lagu waayay dalkaas oo dhan, bishii Janaayo ilaa bishii Abriil ee sannadkan 395 ruux ayaa lagu waayay gobolka Mexico, 207 ka mid ah dadkaas ayaana dumar ahaa.

Goobaha ay rabashaduhu ka jiraan ee dalka Mexico ayaa inta badan dadka lagu waataa, burcad ayaana goobahaas maamusha booliiskuna way ka cabsadaan in ay aadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here