DEG DEG : Wararkii Ugu Dambeeyey ee Dagaal ay Ciidammada Puntland Xalay Ku Soo Qaaday Ciidammada Somaliland Ee Aagga Tuke-raq

0
826

DEG DEG : Wararkii Ugu Dambeeyey ee Dagaal ay Ciidammada Puntland Xalay Ku Soo Qaaday Ciidammada Somaliland Ee Aagga Tuke-raq

Ciidammada maamul gobolleedka Puntland ayaa xalay dagaal ku soo qaaday fadhiisimada ciidammada qaranka Somaliland ee aagga Tuke-raq, waxaana labada dhinac dhex-maray dagaal socday saacado kooban.

Illa hadda ma jiro faah-faahin ka soo baxday khasaaraha ka dhashay balse shabakadda wararka ee Barigaafrikanews.com oo xidhiidh la samaysay dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan inay maqlayeen rasaas ay is weydaarsanayeen ciidammada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.

Labada dhinac ee Xukuumadda Somaliland iyo Puntland ayaan wali ka hadal dagaal dagaalkan iyo khasaaraha ka dhashay.

Dalalka beesha caalamka ayaa hore u sheegay inay ka walaacsan yihiin xiisada dagaal ee deegaanka Tukaraq halkaasoo ay weli isku hor fadhiyaan ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland,waxayna dhowr jeer oo hor ay ku baaqeen in la sameeyo xabad joojin deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here