Daraasad 4-nooc U Qeybisay Tilmaamaha Shaqsiga Lagu Aqoonsado.. Adigu Halkeed Ka Tirsan Tahay?

0
1210

Daraasad 4-nooc U Qeybisay Tilmaamaha Shaqsiga Lagu Aqoonsado.. Adigu Halkeed Ka Tirsan Tahay?

Dadka qaar waxey aaminsanyihiin iney yihiin dad noocooda oo kale in la helaa ay naadir tahay, dadka kalena ay ka duwan yihiin, laakiin daraasadaha cusub ee cilmiga, ayaa sheegaya in dadka oo dhan ay ku wada jiraa 4 kooxood oo tusmooyinka shaqsiyaadka laga dheehan karo.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, koox cilmi-baarayaal ah ayaa waxey fikrado ka uruuriyeen 1.5 milyan oo qof dunida daafaheeda, natiijada daraasaddan cusub ayaa waxaa ka soo baxay jawaabo oo loo qeybiyay 4 nooc, waxeyna kala yihiin “Dhexdhexaad”, “Goonni u socod”,  “Anaani”, “Ku-dayasho mudan”.

Daraasaddana yaa waxey ka horimaaneysaa afkaar culumada cilmi-nafsigu ay qabaan intooda badan. natiijadana ayaase muhiimad gaar ah u leh dadka wax shaqaaleysiiya iyo maamulayaasha shirkadaha, kuwaas oo doonaya iney shaqaale cusub qaataan, iyo dadka bixiyay adeegyada caafimaad caqliga.

Cilmi-baarayaashii daraasadda sameeyay oo ka tirsanaa jaamacadda Northwestern University ee dalka Mareykanka, ayaa waxey baareen xogta dad ka badan 1.5 milyan oo qof, waxaana caddaatay in astaamaha shaqsiyadda qofka uu soo galayo 4 kooxood midkood, iyadoo la bidhaan saday jawaabaha ay dadkaasi bixiyeen, dadkan ayaa laga eegayay furfurnaashiyahooda, baraarugga damiirka, farxadda, sida ay nolosha u jecelyihiin, iyo xanaaqooda.

Professor William Revel oo ah macallin psychology ka dhiga Jaamacadda Weinberg ee suugaanta iyo sayniska, ayaa waxa uu yiri: “Daraasaddani xogaha laga uruuriyay waxey muujinayaan, in dadku u badan yihiin koox goonni ah Afarta qeybood ee loo qeybiyaya. ”

Daraasaddan in laga shaqeeyo waxaa suuraggal ka dhigay internet-ka oo xogaha dadka laga uruuriyay, arrintaas oo xilliyadii hore ay adkeyd in iyadoo kale la sameeyo.

Natiijooyinka ra’yi uruurin MBTi, ayaa si kama dambeys ah u sheegeyn kooxda sida gaarka ah u wanaagsan, maadaama aan la raadineyn wax dhaliliil ah, danta laga lahaana ay ahayd dadka in laga garab siiyo iney ogaadaaan 4 kooxood midda ay ka tirsan yihiin.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here