Ciidamo Soomaali iyo Maraykan isugu jira oo xalay Sh/hoose ku dilay wadaad caan ah

0
977

Ciidamo Soomaali iyo Maraykan isugu jira oo xalay Sh/hoose ku dilay wadaad caan ah

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab oo wehliya Ciidamo Ajnabi ah ay u dhaceen guri ku yaala degmadaas.

Howlgalkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in lagu dilay Wadaad caan ka ah Wanlweyn oo lagu magacaabayay Sheekh Nuur Cismaan Bilaal.

Wadaadkan ayaa masaajidada ka bixin jiray casharka Tafsiirka qur’aanka, sidoo kale waxaa la sheegay in Iskuul uu wax ka dhigayay oo lagu barto Cilmiga Diinta.

Maamulka degmada Wanlaweyn ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan howlgalkan xalay ka dhacay degmadaas.

Dadka deegaanka Wanlaweyn ayaa hadal hayay dhacdadan, iyadoo walaac ka muujiyay dilka loo geystay Wadaadka caanka ka ahaa degmadaas.

Degmada Wanlaweyn ayaa sanado ka hor sidan oo kale waxaa ka dhacay howl gal Ciidamo Kumaandoos iyo kuwa Ajnabi ah lagu dilay nin Sheekh ahaa, waxaa ciidamada ay sheegeen inuu dagaalamay markii gurigiisa ugu galeen xilli la doonayay in la soo qabto.

Howlgalada qorsheysan ee ay fuliyaan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku wehliya Ciidamo Mareykan ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degamda Wanlaweyn iyo Ciidamadii howlgalka fuliyay oo ku aadan dilka wadaadkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here