Wasiirka Qorshaynta Ee Maamlka Puntland Oo Ku Guulaystay Doorashadii Kursi Ka Banaanaa Baarlamaanka Somalya Oo Lagu Qabtay Magaalada Garoowe Iyo Qaabikii Ay U Dhacday Codayntu

0
569

Wasiirka Qorshaynta Ee Maamlka Puntland Oo Ku Guulaystay Doorashadii Kursi Ka Banaanaa Baarlamaanka Somalya Oo Lagu Qabtay Magaalada Garoowe Iyo Qaabikii Ay U Dhacday Codayntu

Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku guuleystay Kursi Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Garowe ayuu Wasiir Jamaal ku guuleystay 49 cod ka mid ah 51 Ergo ee dooraneysay Kursiga uu u tartamayay.

Musharaxa la tartamayay Maxamuud C/llaahi Maxamed ayaa wax cod ah helin, iyadoo uu xumaaday labo cod.

Horay ayaa loo sii hadal hayay in Jamaal uu ku guuleysatay Kursigan, maadaama xildhibaankii ku fadhiyaa Dhahar Cali Faarax uu iska casilay kursiga, loona magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee Jabuuti.

Xildhibaannimada Wasiir Jamaal ayaa sii kordhineysa tirada Golaha Wasiirada ee ka tirsan Baarlamaanka, taasoo loo arko mid Xukuumadda isku xoojineysa, si ay uga hortagto haddii Baarlamaanka mooshin ama culeys uga yimaado.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo horay u soo noqday Ambassador ayaa hada noqonaya Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, marka la dhaariyo, Jamaal ayaa ka mid ah Wasiiradda ugu awooda badan ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Kheyre iyo Saaxibada Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here