“Wakhti La Isku Naco Iyo Wakhti Lagu Kala Samro Lama Gaadhin…” Ex Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Khilaafaadka Xisbiga KULMIYE

0
865

“Wakhti La Isku Naco Iyo Wakhti Lagu Kala Samro Lama Gaadhin…” Ex Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Khilaafaadka Xisbiga KULMIYE

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay xalaada siyaasadeed ee dalku marayo, xiisada Xisbiga Kulmiye, is marin waaga Xisbiyada ee Komishanka iyo aragtida uu ka aamisan yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Jaamac Shabeel.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “In wixii khilaaf ah laga wada hadlaa oo la is qanciyaa waa lagama maarmaan, qolada Guddiyada ah ee Xisbiga wada, baa laga rabaa inay fadhiistaan oo ay ka hawl-galaan in wixii khilaaf ah ee jira ay xaliyaan, wiixii dhacayna waa la og yahay, bini’aadanku mararka qaar wey is qaniinayaan, laakiin waxaa muhiim ah in cadaawad fog oo jirta aan la isku hayn, cadawad fog oo qabaa’il ku dagaalamayaana ma jirto, ee waxaa la isku hayaa waa Siyaasad iyo Xisbigii iyo hadal, waxaanu rajaynaynaa in khilaaf dambe dhicin, dhib dambe oo soo socotana la sii dejiyo, oo la qaboojiyo, haddii faraha laga qaado wixii khilaaf ah ee jira, oo sheekada lagu daro ha iska socoto, oo aan laga feejignaanin, lagana hor tagin, waa caqli daro, wax walbana wey fidaan, cudurada oo kaliya ma fidaan ee talo xumaduna wey fidaa, ee caqligu ha shaqeeyo, khilaafka Xisbiga talo wanaag ha lagu dhammeeyo, wax walba waxaa ka qaalisan dawladnimada iyo xisbinimada, oo dadka ku jira ayuuna xil saaran yahay, dulqaad, deganaasho iyo cafis iyo in qalbi furan la isku cafiyo ayaa looga baahan yahay,intaas oo sanno ayuu Xisbigu soo jiray, inta aan xasuusan nahay is qabad guruub ah iyo is qabad shakhsiya muu jirin, haddii ay jireena waa laga hor tagaayey, imikana waxaanu doonaynaa khayr qabayaashii barigaasba u gurmanaayey haddana inay arintan galaan, oo laga hor tago khilaaf fida, si aanay u dhicin in Xisbiga Kulmiye oo ah Xisbiga taladda haya in makhaayadaha iyo marfashida lagaga sheekayo oo aad loo jeclaysto inuu Xisbigu khilaaf ka bixiyo waayo, taladdayduna waa ha la xaliyo wixii khilaaf ah ee Xisbiga dhexdiisa ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here