Al-Shabaab oo sheegay inay lacago zako ah ku qeybiyeen gudaha magaalada Muqdisho

0
708

Al-Shabaab oo sheegay inay lacago zako ah ku qeybiyeen gudaha magaalada Muqdisho

Warbaahinada taageera ururka Al-Shabaab ayaa daabacay soona bandhigay sawiro muujinaya dad loo qeybinayo lacago zako ah kuwaasoo la sheegay inay ku nool yihiin magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in qeybinta lacagaha zakada ay ka qeybgaleen madax sarsare oo ka tirsan ururkaas.

“Dadka loo qeybiyay lacagaha Zakada waxay gaarayeen inkabadan 200 oo ruux, waxayna lacaguhu kala ahaayeen saddex qeybood oo kala ah 1000$, 500$ iyo qeybta ugu yar oo ahayd 200$.”ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay mid kamid ah warbaahinada taageera Al-Shabaab.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegay in lacagaha la qeybiyay laga soo ururiyay dadka hantida leh ee magaalada Muqdisho lana siiyay rag,haween qaarkood naafo ah.

Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu la hadlay dadka Zakada loo qeybiyay isagoo ka dhex muuqda sawirada la soo bandhigay.

Qoraalka la soo dhigay baraha taageera Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in qeybinta lacagaha zakada ah ay ka soo qeybgaleen waxgarad iyo nabadoonno caan ka ah magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here