Haweeneydii u horeysay oo loo magacaabay Madaxa Bangi ku yaal Sacuudi

0
580

Haweeneydii u horeysay oo loo magacaabay Madaxa Bangi ku yaal Sacuudi

Haweeney ayaa loo magacaabay inay Madax ka noqoto Bangi ku yaal Sacuudi Carabiya, iyadoo ay tahay markii u horeysay oo Haweenka xil ka qabtaan dalkaas.

Lubna Al Olayan oo ah Haweeney Ganacsato ah ayaa madax u noqon doonta Banki ay isla leeyihiin Sacuudi iyo British iyo Bangiga Alawwal.

Tallaabadan ayaa imaaneysa, iyadoo dowladda Sacuudiga ay sii wado xayiraad ka qaadida dhaq dhaqaaqyada Haweenka ku leeyihiin Bulshada oo markii hore ay ka xadidnaayeen.

Bishii June ayay aheyd markii dowladda Sacuudiga ay si rasmi ah ugu ogolaatay Haweenka in markii u horeysay ay kaxeyn karaan gaadiidka oo ay xayiraad ka saarneyd.

Dhaxal Sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa horay u balan-qaaday tallaabooyin fur-furnaan leh oo ah is dhex gal bulsho ah iyo hab dhaqano cusub oo uu dalkiisa ku soo kordhin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here