Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo ku shiraya Nairobi

0
726

Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo ku shiraya Nairobi

Madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa inay kulan kula yeeshaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya madax ka socota beesha  Caalamka iyagoo ka wadahadlaya sidii  loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo Dowlada Federalka.

Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Koofurgalbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa haatan ku sugan magaalada Nairobi, kuwaasoo gaaray maalmihii la soo dhaafay.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin ajandayasha laga wada hadli doono hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali ahna Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda uu soo bandhigay dhexdhexaadin ay hor boodayaan Beesha Caalamka iyo IGAD, taasoo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here