Magaalo ku taalla Minnesota oo dadka uga digtay Shimbiro

0
761

Magaalo ku taalla Minnesota oo dadka uga digtay Shimbiro

Magaalo ku taalla gobolka Minnesota ayaa dadka deggan uga digtay in aysan ka welwelin shimbiro u muuqda inay sakhraansan yihiin oo magaalada ku soo dhacaya.

Booliska magaalada Gilbert ee waqooyiga gobolka Minnesota waxay sheegeen in ay soo gaareen warbixinno la xiriira shimbiro ayagoo duulaya soo aada “daaqadaha iyo gawaarida, una muuqda inay jaha-wareersan yihiin”.

Sakhraannimada shimbiraha ayaa lala xiriirinayaa ayagoo soo cunay miro sida canabka oo kale ah oo khamiiray xilligooda ka hor, waxaana ugu wacan sida la sheegay ciiryaamo aan caadi ahayn oo halkaa ka dhacday.

Shimbiraha da’da yar iyo kuwa waaweyn labadaba ayaan xamili karin sakhradda, sida uu warbixin ku sheegay Ty Techar oo madax u ah booliska maxalliga ah.

“Ma jirto baahi keenaysa in booliska loogu yeero shimbirahaas, bacdamaa ay muddo yar ka dib sakhraddu ka bixi doonto” ayuu yiri.

Laakinse wuxuu sheegay inay ku talinayaan in shimbiraha qaarkood haddii lagu arko dhaqamo aan caadi ahayn booliska loogu yeero.

Dadka deegaanka oo ra’yigooda ka dhiibanayey qoraal facebook-ga booliska la soo dhigay, waxay sheegeen inay arkeen shimbiro sakhraansan.

“Taasi waxay sharraxaysaa shimbiraha ku soo dhacayey daaqadda gurigaysa xilli dambe” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

“Tani waxay sharraxaysaa sababta aan todoba shimbirood gaariga ugu dhiftay usbuucan” ayuu yiri qof kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here