“Komishanku Haddii Ay Sii Joogaan Siyaasaddu Wax Dhadhan Ah ma Yeelan Doonto Sidaas Darteed Ha Iscasilaan” Prof Cabdi Cali Jaamac.

0
704

“Komishanku Haddii Ay Sii Joogaan Siyaasaddu Wax Dhadhan Ah ma Yeelan Doonto Sidaas Darteed Ha Iscasilaan” Prof Cabdi Cali Jaamac.

Maxaa La Gudboon Xubnaha Komishanka Doorashooyinka.

Anigoo aad u ixtiraamaya xubnaha Komishanka, qaarkoodna aanu asxaab nahay, haddana waxan ku baraarujin lahaa in la soo gaadhay xilligii ay iyagu dib isugu noqon lahaayeen, mar haddii arrinkii qir iyo qir is taagay.

Adduunyadu waa sharafta iyo baabah; inkastoo aydaan siyaasiyiin ahayn, haddana ma tihidin shaqaale caadi ah; hawsha aad haysaana waa siyaasadda dhuuxeedii; siyaasaddu damcad bay leedahay; immika wixii ka danbeeya haddii aad idinku fududayn waydaan, waxa laga yaabaa in sharaftiina dhaawac soo gaadho; cuntada aad karisaana immika wixii ka danbeeya, ma yeelan doonto wax dhadhan ah; xataa haddii aad xawaashka ku badisaan!!!!; sidaa darteed, markaan eego milgihiina iyo milgaha xilka aad haysaan, waxa idiin fiican in aydaan sii joogin, xataa haddii sidaa la idinka codsado.

Haddii aad sidaa yeeshaan waxaynu noqon doonaa ummad leh dhaqan siyaasadeed (political culture); idinku waanin maayo wax aanan angiu dhaqan u lahayn, laakiin runtii waa mid ka mid ah sababaha aan isku casilo anigu, markaan waxba garan waayo.

Cabdi Cali Jaamac

U dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here