Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Samaysatay Mashaariic Uu Miisaaniyadda Kula Baxo Xilli Fadhiyaan Idaacadihii Dalku

0
655

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Samaysatay Mashaariic Uu Miisaaniyadda Kula Baxo Xilli Fadhiyaan Idaacadihii Dalku

Maamulka sare ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ila hada aan laga hayn wax- qabad iyo Horumar umada ay ku qanciyaan mudadii ay xilka Wasaaradda Hayeen ayaa imika waxay bilabeen in Mashariic yar yar oo ay kula baxayaan Misaaniyad Badan ka sameeyay Wasaaraddaas Masharicdaas oo ah kuwa ay ku shegeen in lagu sugaayo amaanka Wasaaradda Warfaafinta.

Mashariicdan Maamulka Wasaaradda Warfaafintu ku yool-habaabinayaan Bulshada iyo Madaxtooyada wax-qabadkana uga dhigayaan ayaa ah Kamarado lagu xidhay dhamaan Xafiisyada Wasaaradda iyo Albaabka hore ee Wasaaradda oo isna lagu xidhaayo Qalab lagu Baadho dadka so galaya Wasaaradda oo ah midka lagu baadho dadka Madaarka Hargeisa ka dhoofaya ama kaso-degaya oo kale waxana samaynta Qalabka ku baxaya kharaashaad badan oo laga saarayo Misaaniyada Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.

Xiligan Maamulka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Qarashaadkan ku Bixinaayo Qalabkan muhiimada u weyn u lahayn Wasaaradda Warfaafinta ayaa kuso beeg maya wakhti ay fadhiyaan Idaacadi-weynayd ee Radio Hargeisa iyo Mawjadii FM-ta ahaa ee Gobolada Togdheer iyo Sanaag`oo imika Hawada ka maqna mudo dhawr-bilood ah isla-markaana aanay wax Masuuliyad ah iska Saarin Wasiirka Wasaaraddaas iyo Wasiir ku-xigeenka oo ila hada wax talaabo ka qaadin oo lagu maaraynaayo Idaacadahan Hawada ka Maqan mudada dheer.

Idaaadacda weyn ee Radio Hargeisa aya Hawada Baxday tiraba laba jeer mudadii koobnayd ee Xilka Wasiiirnimo ee Wasaaradda uu hayay Wasiir guri-barwaaqo`geesta kale mudadii u jogay Wasiir Guri- Barwaaqo Wasaarada Warfaafinta waxa inta Badan hawada ka maqna Idaacadii FMTa ahaa ee Gobolada Togdheer iyo Sanaag waxana lagu dhaliila Wasiir Guri-Barwaaqo Masuul aan Daacad u ahayn shaqada Qaranka isla-markana Hoosba u eegin Masuliyada uu leeyahay ee dayacan`waana mida taasi sababtay in aanu wax muhiimad ahba siinin Idaacadahan Hawada ka maqan ee Qaranka waxtarka u laha`kana mid ahaa shaqada Wasaaradda warfaafinta meelaha ugu Muhiimsan.

Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ka hawl-gala ayaa is weydiinaya sababta Maamulka Wasaaraddu iskaga indha-tirayaan Idaacadahan Hawada ka maqan iyo sida muhiimada ay u sinayaan Maamulka Wasaaraddu inay Qarashaad badan ku bixiyaan Mashariic Raqiis ah oo dhinaca Amaanka Wasaaradda lagu sugaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here