Marka aad Luqad Cusub Baraneyso : Ka Fogow Inaad Ku Dhacdo (10) Khalad

0
830

Marka aad Luqad Cusub Baraneyso : Ka Fogow Inaad Ku Dhacdo (10) Khalad

Haddii lagu yiraahdo xasuuso qaar ka mid khaladaadkaaga xilligii kuugu horreysay ee aad luqad cusub baraneysay, maxaa kugu soo dhacaya? Inaadan garaneyn sida saxda ah ee erayada loogu dhawaaqo? Khaladaadka Naxwaha?

Khaladaadkaa in lagu dhacaa wey badan tahay marka luqad cusub la baranayo, inta badan waxaaney dadku wada garaneyn in khaladaadkaas aan loo aqoon iney yihiin kuwo khatar ah. dhanka kale marka aan eegno waxaa jira khaladaad dhab ah oo dad badani ay galaan iyagoo aan fahamsaneyn, kuwaas oo ugu dambeyn keena in barashada luqadda lagu fashilmo, waxaana ka mid ah:

  1. Inaad ka baqato ku hadalka luqadda

Waxaa dhici karta in ku-hadalka luqadda qalaad uu yahay mid adag oo dhib badan, waa sida dad badani aaminsan yihiin, laakiin xaaladdu sidaa way ka duwan tahay, marka aad aragto qof ajinabi ah oo luqadda dalkaa ku hadlaya aad ayaad ugu farxaysaa, sidaa dartee; dadka moodaya marka ay luqad ajinabi ah ku hadlaan oo ay jajabiyaan in lagu maadsanayo, fikir sax ah maaha, mar kasta oo aad wax isku daydo cid ku garab istaagta waayi maysid.

  1. Khalad qaadasho la’aan

Marka ay dadku luqad cusub baraneyaan, waxey aaminsan yihiin in khaladku yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana ay waajib tahay in waxwalba loo sameeyo sidii khaladkaa looga dhowrsan lahaa, waxey eegayaan oo qura khaladkii intii ay wax ka baran lahaayeen. waxaa lagama maarmaan ah inaan khaladaadkaaga aqbasho oo aad wax ka barato.

4.Erayo cusub oo la iska barto

Marka aad eray cusub baraneyso oo aan liis goonni ah xiriir la-lahayn, inaad xasuusato wey kugu adkaaneysaa; marka dambena waxaa ka dhalanaya natiijooyin daciif ah, halka dadaalkaagii u muuqanayo hal-bacaad lagu lisay.

Waxaad sameysataa istaatiijiyo cad marka aad erayada xifdineyso, liis goonni ah mar xifdi, tusaale ahaan; erayda cunno karinta ku saabsan mar wada xifdi, kuwa airport khuseeya mar qura is-raaci; tiro xayawaanno ah mar qura wada baro.

  1. Waddo khaldan oo la raaco

Haddii wadada aad luqadda ku baraneysaa ay kaa xumaato, barashada guud ayay saameyn ku yeelaneysaa, markaa waxaad nacaysaa luqaddii oo inaad barato aad mar kale ka fogaaneysaa.

Waxaan habboon inaad degsato qorshe habboon marka aad luqad cusub baraneyso, mar walba xasuuso sababta aad u baraneyso luqaddan cusub, waxaad xasuusataa inaad naftaada u sameynayso Credit aan lacag lagu qiimeyn, waana arrinka kuu keenaysa inaad horumar weyn ka sameyso noloshaada mihnadeed.

  1. Doorashada waddo kaliya oo waxbarasho

Dadka qaar waddo kaliya ayay raacaan marka ay dadku luqad cusub baranayaan, marka aad naftaada hal-waddo oo kaliya aad barto si sahlan ayaad uga caajisi kartaa.

Isku day intey suuraggal tahay inaad waddooyinka kala bedbedesho, tijaabi casharro luqadda ah, buugaagta naxwaha, website-yada luqadaha, buugagta codka, Aflaamta, Musics, Ruwaayadaha.

7. Dagaalka xooggan oo aad mar qura saarto

In aad gaarto go’aanka aad luqad cusub ku baraneysaa waa arrin soo jiidasho leh, sidaa darteed; bilowga hore waxaad isku dayaysaa inaad buugaag badan soo iibsato, maalintii dhowr saacadood aad u ka dadaasho barashadeeda, isbuuca koowaad marka uu dadaalkaagu meesha ugu sarreysay gaaro ayaad arkaysaa inaad mar qura hoos u hoobaneyso oo aad ka caajisayso inaad nus saac qura aad maalintii luqadda barato, sababtana waa xawaaraha xoogga leh ee aad ku bilowday.

Waxaa caadi ah inaad xamaasad weyn dareento xilliga aad luqad cusub bilaabayso, laakiin ‘ha cantuugin inta aad calaajin karto in ka badan’,  xamaasaddaada iyo dadaalkaaga marxalado kala duwan ka kala dhig oo si tartiib tartiib ah wax u bilow, sahay wanaagsan qaado maadaama ay wadadu dheer tahay.

  1. Dhageysiga oo kugu yar: isku day inaad luqadda ka dhageysato in kugu filan, arrintani ku hadalka iyo dhawaaqa erayda ayay kuu hagaajineysaa.
  2. In mar kaliya aad isbuucii dhigato

Intaad khamiis iyo jimco kaliya dhigato, isbuuca inta ka soo hartayna aad ka seexato sax maaha, waxaad u baahan tahay maalintii 10 daqiiqo oo qura oo aad luqadda kula falgasho.

  1. Inaad si sahlan isku dhiibto

Inta badan marka ay qof wax ku adkaadaan waxay u badan tahay inuu ka haro, sidaa darteed; isku diyaari duruuf kasta oo ku soo waajihi karta, naftaada u layli inaad xaalad walba la qabsato.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here