Haweeneydii ugu horeysay oo Somali-Swedish ah oo xildhibaan ka noqotay baarlamaanka Sweden

0
697

Haweeneydii ugu horeysay oo Somali-Swedish ah oo xildhibaan ka noqotay baarlamaanka Sweden

Leyla Cali Cilmi oo ah gabar Soomali-Swedish ah ayaa ku guuleysatay kursi ka mid ah kuraasta baarlamaanka dalka Sweden kadib markii olole cajiib ah ay ka sameysay doorashada Baarlamaanka dalka Sweden.

Ololaha doorashada dalka Sweden ayay Leyla oo  hore u ahayd qaxooti ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay oo asalkeedu yahay Soomaali oo xubin ka noqoto baarlamaanka wadan ka mid ah dalalka Scandanavianka.

Guushan ayay ku gaartay Leyla kadib markii ay ololaheeda ku gashay luqada Soomaaliga isla markaana ay ka codsatay shacabka asalkoodu yahay Soomaali ee ku nool dalka Sweden inay codkooda siiyayn, waxaana guusheeda ka abuurantay dood ku saabsan qabiileysi iyo “codeyn qowmiyadeed”.

Leyla oo ah 30 jir  ayaa waxa ay ka gashay kaalinta 21aad xisbiga Green Party iyadoo si gaar ah codadkooda u weydiisatay Soomaalida ku nool magaalada Gothenburg oo tiradoodu gaareyso 14,000.

Xildhibaanadan ayaa bogeeda facebooka waxa ay ugaga codsanaysay Soomaalida inay codkooda siiyaan iyadoo kula hadlaysay oo kaliya luqada Soomaaliga, sidoo kale waxaa taageero u muujiyay koox ciyaarta kubbada cagta ee Somalia SK kuwaasoo booqanayay guri walba oo ay Soomaalidu degen tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here