Shaqaalaha Haga diyaaradaha soo caga dhigta Garoonka Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay

0
876

Shaqaalaha Haga diyaaradaha soo caga dhigta Garoonka Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay

Waxaa saaka hakad ku jira howlihii Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde, kaddib markii ay shaqo joojin sameeyeen hagayaasha diyaaradaha marka ay soo caga dhiganayaan Garoonka ee loo yaqaano (Marshal)

Shaqo joojintan ayaa timid kaddib markii Maamulka gacanta ku haya garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Favori ay shaqada ka eriday mid ka mid ah shaqaalaha hagayaasha diyaaradaha.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha hagayaasha diyaaradaha oo ka carooday tallaabadaas ayaa iyana saaka ku dhawaaqay shaqo joojin, kaddib markii ay sheegeen in qaab qaldan loo eryay.

Shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa horay waxaa cabasho ka keenay shaqaalaha garoonka iyo dadka xamaaliga ah, waxaana dhowr jeer la xaliyay isku dhacyo ka dhashay xaga shaqada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here