Duqeyn la sheegay inay xalay ka dhacday deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

0
560

Duqeyn la sheegay inay xalay ka dhacday deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay deegaano ka tirsam degmadaas laga maqlay jug culus oo loo maleynayo inay aheyd duqeyn.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay abaarihii 12:00 saq dhexe ay juq culus ka maqleen agagaarka deegaanka Basra dhawaaqa jug culus oo u muuqday duqeyn.

Wararka ayaa intaa ku daraya in duqeynta lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Illaa iyo hadda lama oga in duqeynta aheyd mid diyaaradeed ama madaafiic laga riday saldhigyada Ciidamada AMISOM ku leeyihiin agagaarka Balcad.

Al-Shabaab ayaa shalay ka afduubtay deegaan ku dhow Gololey Gaari qaad siday, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab dhaq dhaqaaqyo firfircoon ku lahaayeen inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad

Inta badan Mareykanka ayaa sheegta duqeymaha ka dhaca Koofurta Soomaaliya, kuwaasoo ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Maalin ka hor ayay aheyd markii duqeyn ka dhacday duleedka Kismaayo lagu dilay 9 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here