Daacish oo sheegatay dilka dad Itoobiyaan oo lagu dilay Boosaaso

0
788

Daacish oo sheegatay dilka dad Itoobiyaan oo lagu dilay Boosaaso

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal habeen hore ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasoo loo geystay dad ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya.

Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee Acmaaq ayaa sheegtay in saddex ruux oo Kirishtaan ah la dilay, halka labo kale la dhaawacay magaalada Boosaaso ee Waqooyiga Soomaaliya.

Ma sheegin saddexda ruux ee ay dileen dalka ay ka soo jeedeen, hase ahaatee waxaa jiray dad ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya oo habeen hore lagu dilay meel lagu shaaho oo ku taal magaalada Boosaaso.

Kumanaan ruux oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ayaa sanadihii u dambeeyay tagay magaalada Boosaaso, iyagoo badankood u sii gudbayay dalka Yemen oo Tahriib dhanka Badda ku galayay, halka qaarkood ay shaqooyin ka helayeen Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here