Dhacdooyinka Ugu Yaabka Badan ee Laga Diiwaangeliyo Buugga Guinness World Records 2018

0
1788

Dhacdooyinka Ugu Yaabka Badan ee Laga Diiwaangeliyo Buugga Guinness World Records 2018

Guinness World Records maalintii la aas-aasay ee nuskhaddii koowaad laga soo saaray sanadkii 1955 ilaa maanta, waxa uu noosoo gudbinayay records-ka ugu yaabka badan dunida ee dad ay dhigeen ama ay jabinayeen daafaha kala duwan ee dunida, doonista daran ee caannimada ayaa dadka qaar ku riixda iney sameeyaan waxyaabo cajiib ah sameyntooda dad badan ay ku adag tahay.

Guinness waxey sanad walba soo saarta records-ka la jabiyo iyo kuwa cusub ee cajiibka ah ee la dhigo.

Hadaba, waxaa lagu dhawaaqay records-kii la jabiyay sanadkan 2018, warbixinteenan waxaan waxaan ku eegaynaa records-ka ugu yaabka badan ee laga diiwaangeliyay Gujnnes World Record.

Baalasha Indhaha ee ugu dhaadheer Adduunka

You Jianxia oo ah haweenay u dhalatay dalka Shiinaha ayaa Gunnes World Record ku gashay baalasha indhaha ee ugu dhaadheer Adduunka, baalasheeda indhaha waxey gaarayaan 4.12 Cm, waxey jabisay record oo hore ugu yaallay nin u dhashay Ukrain oo la yiraahdo Valery Smagliy oo baalashiisa indhuhu ay gaarayeen 3 cm.

You Jianxia, waxey warbaahinta u sheegtay baalsha indhaha ee dhaadheer ay yihiin kuwo qurux badan, waxeyna tilmaamaan ,ayay tiri, caafimaadka iyo cimri-dhererka, waxeyna sheegtay iney aad u ilaaliso marka ay mayrayso.

Waayeelka ugu jir dhiska fiican Adduunka

Record-ka labaad ee la yaabka leh waxaa dhigay oday waayeel ah oo la yiraahdo Jim Arrington oo ka soo jeeda Venice gobolka California, waxaa lagu magacaabi karaa, waayeelka cajiibka ah, waxa uu jiraa 85 sano, waxaa uu galay Guinnes oo loo aqoonsaday sanadkan 2018, inuu yahay laacibka jirdhiska ee ugu da’da weyn aaduunka, weli sports-kan dhibka badan kama aanuu fariisan, waxa uu ka qeybgalay 62 tartan oo sports, waxa uu ku guuleystay 16 ka mid ah.

Haweynada ugu ciddiyaha Dheer Adduunka

Dumar badani waxey jecel yihiin iney ciddiyaha la baxaan, in ciddiyaha lagu dadaalo oo la qurxiyo dumarku aad bay ugu fiican yihiin, laakiin haweynayda reer Mareykanka Ayanna Williams oo ka soo jeedda Houston, Texas, ayaa dhinac kale wax ka aragtay, waxey jabisay record horey u yaallay waxeyna heshay “Ciddiyaha ugu dhaadheer adduunka, dhirirka ciddiyaheedu waxey gaareen 4 mitir iyo bar.

Muddo 23 sano ah ayaaney ciddiyaheeda jarin, aadna ay ugu dadaashay, iyadoo ku riyoon jirtay iney mar un gasho Guiness Word Record.

Timaha taagan ee ugu Dheer Adduunka

Bnny Harlem, waa fannaan, gabyaa, mulaxan, dhar xayaysiiye Mareykan ah, sanadkan 2018 Guinnes waxa uu ku galay, habka uu u shalleysto timihiisa oo loo aqoonsaday timaha taagma kuwooda ugu dheer aadduunka, timihiisa marka uu shalleeyo waxey gaaraan 52 cm, maalin kasta inuu shalleeyo waxey ku qaadataa 2 saacadood oo laga shaqeeyo si ay ku gaaraan dhiririka 52 Cm.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here