Kooxo hubeysan oo xalay wiil dhalinyaro ku dilay degmada Xamar weyne

0
664

Kooxo hubeysan oo xalay wiil dhalinyaro ku dilay degmada Xamar weyne

Kooxo hubeysan ayaa xalay wiil dhalinyaro ah ku dilay Suuqa degmada Xamar weyne, iyagoo ku baxsaday mooto bajaaj ay wateen.

Wiilka dhalinyarada la toogtay ayaa lagu magacaabayay Ayuub Axmed Daahir oo ka mid ahaa Ganacsatada Suuqa Xamar Weyne.

Dilka ayaa yimid kaddib markii uu ku soo baxay kooxo tuugo ah oo gabar yar ka dhacayay Mobile, isagoo isku dayay inuu is-hortaago, hase ahaatee mid ka mid ah kooxihii tuugada oo bastoolad watay uu xabad ku dhiftay.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka Arrimaha Bulshada degmada Xamar weyne ayaa sheegay in habeenadii la soo dhaafay ay ku soo bateen Xamar weyne kooxo dhac u geysta shacabka, waxaana uu ugu baaqay laamaha amniga dowlada ciidamo dheeraad ah.

Falalka amni darada ee dhaca u badan ayaa habeenkii loo adeegsadaa mooto bajaaj, taasoo keentay in dhalinyarada ay habeenkii u diidaan inay xaafadaha soo maraan Mooto bajaajta.

Xaafadaha Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay laga soo sheegayay falal amni daro oo ay ka mid tahay dhac iyo afduub loo geysto dhalinyarada, waxaana ciidamada Booliska ay degmada Xamar Jajab ku qabteen Koox wiil 11 jir ah ka soo afduubatay xaafada Xamar Jadiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here