Erdogan: Wuxuu xarigga ka jaray Masaajid weyn oo laga dhisay magaalada Cologne ee dalka Jarmalka

0
617

Erdogan: Wuxuu xarigga ka jaray Masaajid weyn oo laga dhisay magaalada Cologne ee dalka Jarmalka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqashada rasmiga uu ku marayey dalka Jarmalka ku soo afmeeray xarig ka jaridda mid ka mid ah masaajidda ugu weyn qaaradda Yurub oo laga dhisay dalka Jarmalka

Wuxuuna Madaweyne Edrdogan sheegay masaajidkan laga dhisay magaalada Cologne inuu astaan u yahay nabadda, isaga oo uga mahadceliyey dowladda Jarmalka sida ay u oggolaatay inuu dhismaha msaajidka istaagin iyada oo ay socdeen mudaharaadyo looga soo horjeeday dhismaha masaajidka.

Ciidamada boolis oo tira badan ayaa laga howl geliyey xilli uu booqanayey magaalada Cologne oo ah magaala ay ku nool yihiin dad tira badan oo Turkiga u dhashay.

Booqashada seddexda maalmood ee uu ku joogay Jarmalka oo ahayd mid uu muran badan ka dhashay, wuxuu Erdogan khudbadihiisa si kulul ugu cambaareynayey waddanka Jarmalka uu martida u ahaa.

Dalka Jarmalka waxaa ku nool qurbajoog aad u xooggan oo ka badan 3 milyan oo qof oo u dhalatay dalka Turkiga.

Booqashada Erdogan ee Jarmalka waxa ka dhashay mudaharaadyo booqashadiisa looga soo horjeedoLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionBooqashada Erdogan ee Jarmalka waxa ka dhashay mudaharaadyo booqashadiisa looga soo horjeedo

Taageerayaasha iyo dadka ka soo horjeedaba waxay Sabtida isugu yimaaddeen magaalada Cologne.

Waxayna maamulka magaalada ay ka noqdeen qorshihi la filayey ee ahaa iney dad gaaray 25,000 oo qof iney isugu yimaaddaan xafladda masaajidka lagu furayey iyaga oo ka cabsaday iney halkaasi amni darro ka dhacdo.

Masaajidka Cologne wuxuu ka mid noqday masaajidda ugu weyn qaaradda YurubLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMasaajidka Cologne wuxuu ka mid noqday masaajidda ugu weyn qaaradda Yurub

Masaajidka weyn ee laga dhisay magaalada Cologne waxaa dhistay koox diinta Islaamka u dhaqdhaqaaqda oo xiriir dhaw la leh dowladda Turkiga.

Ujeeddada booqashada rasmiga ah uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku soo maray Jarmalka ayaa lagu sheegay iny ahayd in xal loo helo xiriirka labada dal oo bilihi ugu dambeeyey sii xumaanayey.

Wuxuuna Edrogan sheegay “inuu doonayo xurgufta labada dal u dhaxeysa iney soo afjaranto waxa aan ku kala duwannahay oo halkooda ah inaan danaha aan ka mideysannahay aan ka wada shaqeyno.”

Booqashadana sida oo kale waxaan kaga wadahadalnay ayuu yiri sida aan uga kala duwannahay afgambigi Militari ee dhicisoobay oo Turkiga ka dhacay 2016-kii.

Madaxweyne Erdogan oo Jarmalka ku tilmaamay mid argagixisada qariyaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMadaxweyne Erdogan oo Jarmalka ku tilmaamay mid argagixisada qariya

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxay sheegtay madaxweyne Erdogan khudbad uu habennimadi jimcihi ka jeediyey uu ku sheegay “inuu yahay dal argagixisada qariya”.

Wargeyska Bild oo ka mid ah kuwa ugu caansan jarmalka ayaa wuxuu boggiisa hore uu ku soo daabacay “Khudbadda Erdogan iney ahayd mid uu ku muujiyey naceybka uu Jarmalka uu u qabo isla-markaana cambaareyn kulul uu ugu soo jeediyey”.

Wargeyska Bild ee ugu caansan JarmalkaLahaanshaha sawirkaBILD

Isla Jimcihina Madaxweyne Erdogan iyo Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Markel waxay ka wada hadleen dagaalka Suuriya ka socda.

Guddoomiyaha guddiga joogtada ee arrimaha dibadda ee baarlaamanka Jarmalka Norbert Roettgen, ayaa wuxuu wargeyska Funke uu u sheegay “xilliga ay booqashada madaxweynaha ku soo beegantay ay ahayd mid khaldan, xilli horana ay booqashada ku habbooneyd.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here