Qalbi Dhagax “Safarkeyga dhulka Soomaalida aan ku marayo kuma jirto Muqdisho”

0
632

Qalbi Dhagax “Safarkeyga dhulka Soomaalida aan ku marayo kuma jirto Muqdisho”

C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka mid ahaa Saraakiisha sare ee Ururka ONLF ayaa sheegay in aanu xilligan qorshaha ugu jirin inuu tago magaalada Muqdisho, oo aheyd halkii sanad ka hor laga dhoofiyay markii loo gacan gelinayay dowladda Itoobiya.

Qalbi Dhagax oo safar ku maraya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in safaro ku tagayo deegaanada maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

“Safarkeyga xiga waxaa ku tagi doonaa Boosaaso, Safarkeyga Puntland wuxuu noqonaya mid dhulka ah, waxaa tagi doonaa Galmudug, Galkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb, safaradaas mid dhulka ayay noqonayaan”ayuu yiri C/kariin Qalbi Dhagax oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Waxaa uu sheegay in aanu xilligan diyaar u aheyn inuu tago Muqdisho, balse u tagi doono xilliga ku haboon, isagoo shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan ku tilmaamay inay yihiin dad Soomaalinimada ku weyn, qadiyadiisana aad uga dhiidhiyay.

Sidoo kale waxaa uu ammaanay Baarlamaanka labada Aqal oo uu xusay inay leeyihiin sharaf iyo qiimo, si aad ah arrintiisa u difaacay, markii loo dhiibay dowladda Itoobiya.

“Muqdisho dad Soomaaliyeed oo aad u fiican oo Soomaalinimada aad ugu weyn tahay oo qiimo badan ayaa degan, xilliga ugu haboon ayaa tagi doonaa oo aan soo Salaamayaa, ma doonayo inaan hada tago oo qolada kale ma rabo inaan arko”ayuu yiri C/kariin Muuse Qalbi Dhagax.

Horaantii bishii July ayay aheyd markii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax laga sii daayay Xabsiga, iyadoo sii deyntiisa ay sabab aheyd is bedelada ka dhacay dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here