Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo dib uga baxay deegaano ka mid ah degmada Balcad

0
643

Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo dib uga baxay deegaano ka mid ah degmada Balcad

Wararka ka imanaya deegaano ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo saaka gaaray deegaano ka mid ah degmada Balcad ay dib ugaga laabteen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaashii tegey deegaano ku teedsan wabiga Shabelle ay dib ugaga baxeen iyagoo kulamo la yeeshay waxgaradka deegaanada ay gaareen.

“Waxa ay nagu amreen inaanan la shaqeyn dowlada isla markaana aan siino zakada,sidoo kale waxa ay nagu amreen inaan jari karin geedaha.”ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka deegaanka Shanlow oo la hadlay warbaahinta.

Xaalada deegaanada ay saaka gaareen dagaalamayaasha Al-Shabaab sida Shanlow, Dhagaxow,Mukadheere iyo qaar kale ayaa degen iyadoo xaaladu ay caadi ku soo laabatay.

Ciidamada dowlada Federalka oo ku sugan degmada Balcad ayaa laga dareemayay maanta dhaqdhaqaaqyo milatari.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa mararka qaarkood waxa ay si kedis ah ku tagaan tuulooyinka aysan joogin ciidamada dowlada federalka halkaa oo ay dadka ku amraan in ay amaradooda raacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here