BURCO: Ciidammada Ammaanka Oo Xabsiga Dhigay Laba Muwaadin Oo Eedaymo U Jeediyey Qalbi Dhagax

0
661

BURCO: Ciidammada Ammaanka Oo Xabsiga Dhigay Laba Muwaadin Oo Eedaymo U Jeediyey Qalbi Dhagax

Ciidammada ammaanka ee magaalada Burco ayaa xabsiga dhigay laba nin oo ka mid ah dadka ku nool magaaladaasi.

Ciidammada ammaanka ayaa shalay Jimcihii xabsiga dhigay labadan nin oo lagu kala magacaabo Faarax Xuseen iyo Shaakir Deeq.

Wararka ayaa sheegaya in xadhiga labadan muwaadin uu la xidhiidho hadalo ay dhawaan warbaahinta ka sheegeen oo ku saabsan in Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu baabuur ka gubay wakhtigii ay jabhada ONLF mamnuuca ahayd.

Ciidammada amaanku wali faah faahin kamay bixin sababta keentay xadhigooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here