“Dahab iyo Dheeman”.. Dubai oo Lagu Soo Bandhigayo Kabaha Dumar ee Ugu Qaalisan Adduunka

0
901

“Dahab iyo Dheeman”.. Dubai oo Lagu Soo Bandhigayo Kabaha Dumar ee Ugu Qaalisan Adduunka

Dadka dalxiiska ah iyo kuwa booqda Dubai waxaa u suuraggal ah iney arkaan kabaha duram ee Adduunka ugu qaalisan, kuwaas oo laga sameeyay dahab iyo macdan kale oo dhaqaali ah oo dheeranku ka mid yahay, iyadoo qiimaha kabahani uu gaarayo 17-milyan oo dolarka Mareykanka ah.

Sida uu qoray website-ka “The National“, kabahan ayaa lagu qurxiyay macdan qaali ah oo dheeman 15-carat ah iyo kuwo kale oo gaaray illaa 236 nooc oo macdan qaali ah ee iftiinta ah.

Kabahan oo ay la socdaan kuwo kale oo ay ku xardhan yihiin dheeman, ya’quut iyo dahab, kabahan ayaa lagu soo bandhigayaa Burj Al Arab, September 26.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here