5 Calaamadood oo Lagu Ogaado Khiyaanada Guurka

0
1173

5 Calaamadood oo Lagu Ogaado Khiyaanada Guurka

Rag iyo dumar badan ayaa ku nool nolol aan wanaagsaneyn shaki ay ka qabaan lamaanahooda nolosha darteed, shakigu caadi ahaan waxa uu ka bilowdaa marka mid ka mid ah lamaanaha uu dhaqankiisu uu isbedelo. Hadaba, waxaa jira calaamado kuu caddeynaya khiyaanada, waa sida uu qoray website-ka Instyle.

Calaamadaha khiyaanada Guurka lagu ogaado

1- Taleefoonka gacanta iyo laptop-ka

Inta badan qofka khaa’inka ah aad ayuu ugu dadaalaa inaan la baarin waxyaabaha u gaarka ah sida; taleefoonkiisa gacanta iyo computerkiisa laptop-ka u gaarka ah, ducomentyadiisa qaar waxa uu ku xirnayaa password si aan loo ogaan waxa gudaha ku jira.

  1. Gaariga fiiro gaar ah u yeelo

Waxyaabaha ugu muhiimsan gaari ayaa ka mid ah, si ula kac ah ama aan ula kac ahayn ayaa wax loogaga tagaa, kursiga oo sare looqaado ama hoos loo dhigo waxyaabaha dareenka leh ayay ka mid tahay.

  1. Isbedel Lama Filaan ah

Isbedelkaasi waxa uu noqon karaa dhinacyo badan, sida; miisaanka oo hoos u dhaca, si lama filaan ah oo sports-ka u jeclaado, habka uu tinta u shallaysanayo oo isbedesha, hadalkiisa oo isbedela, arrimaah oo dhani waa calaamado kuu shidaya laambad casaan ah in khiyaano ay jirto.

  1. Dookh Cusub

Dookhyo aadan horey ugu aqoon oo uu la soo baxayo sida; heeso aanuu horey u dhageysan jirin oo uu dhagaysanayo, …

  1. Xiriirkiinna oo Isbedela

Liiska waxyaabaha noloshiisa/nolosheeda hortabinta u leh ayaa ka baxaysaa, sida; shaqada, ehelka iyo saaxiibbada, haddii aad iska weydo liiska hore oo ra’yigaaga aan la qaadaneyn, go’aannada nolosha ugu muhiimsan oo aadan ka qeybqaadaneyn, arrimahaasi waxey caddeyn u yihiin in khiyaano ay jirto iyo cid booska kaala baxday.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here