Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Oo Ku Dhawaaqay Inuu Soo Xidhmay Wajigii 2aad Ee Is-Diwaan Galinta Shaqaalaha Dawladu

0
661

Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Oo Ku Dhawaaqay Inuu Soo Xidhmay Wajigii 2aad Ee Is-Diwaan Galinta Shaqaalaha Dawladu

Hargeysa (Dalmar-News):- Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Mudane Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Dacar ayaa shaaciyay Dhamaystirka Shaqaalaha Is-Diwaan Galiyay Iyo Waliba Kuwa Dibu Eegista Lagu Sameeyay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Haay’adda Shaqaalaha Dawladda Uuna Ku Saxeexan Yahay Guddoomiyaha Haay’adda Oo Nuqul Ka Midi Ahi Soo Gaadhay Xafiiska War Qabadka Ee HadhwanaagNews ayaa u Dhignaa Sidan.

 

“Dhamaystirka dib-u-eegista Wajigii Labaad ee Diiwaangelinta Shaqaalaaha Dawladda; tiro is-diwaangelisay, tiro fasaxa ay ku maqan yihiin lagu qancay iyo 374 kaalmo shaqo oo la joojiyey, Iyada oo Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu mudooyinkii u dambeeyey fursad siiyeen dib-u-eegista tiro badan oo sababo kala duwan kaga baaqday wajigii koobaad ee diiwaangelinta Shaqaalaha Dawladda JSL ayaa waxaa si dhamaystiran u soo xidhmay wajigaa labaad.

Haddaba, tiradaa wajigaa koobaad ka maqnayd diiwaan-gelinta ayaa ka sakow intii laga joojiyey kaalmaha shaqo waxa ay isugu jireen; Dhimasho, xanuun, fasax waxbarasho , dhul-yaal , habsan iyo tiro u baahnayd in dood ay qabeen la siiyo fursad dib loogu dhagaysto.

Ugu dambayn, markii dib-u-eegis lagu sameeyey, ka sakow inta is-diiwaangelisay ama sabaabta ay ku maqan yihiin lagu qancay waxaa buuxin kari waayey shuruudihii loogu aqoonsan lahaa in ay waxbarasho ku maqan yihiin, caafimaad ama ay ahayeen habsan tiro dhan 374 qof halkaas oo aanu xisaabiyaha guud ee qaranka ku wareejinay si uu u hakiyo kaalmahaa shaqo.

Waxa kale oo la soo saaray liiska dhimashada oo wajigan labaad iyo kii hore marka la isku daro dhan 200 qof “Kuwaas oo weli magacdoodu ku jiraan liiska mushahar bixinta” halkaas oo siyaasad iyo qorshe kadib loo diyaarin doono hannaan iyo hab wanaagsan oo qoysaskii ay kasoo jeedeen loogu diyaarinayo xuquuq intii ay qaranka u soo shaqaynayeen.

Waxa halkaa si wanaagsan ugu soo dhamaaday diiwaan-gelintii shaqaalaha dawladda oo wajiyadii ay lahayd oo dhan u soo dhamaadeen si habaysan oo aan degdeg lahayn.

Maalmaha soo socda waxaa soo baxaya qorshaha qaran ee buuxinta kaalmaha shaqo ee banaanaday iyo tirada darajooyinka ay kala ahayeen si loogu diyaariyo nidaam xulasho oo hufan.

Sharmaake Axmed Muxumed Geelle

Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here