Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Shaaciyay Wakhtiga Rasmiga Ah La Dhisayo Dekedda Cusub Ee Berbera

0
871

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Shaaciyay Wakhtiga Rasmiga Ah La Dhisayo Dekedda Cusub Ee Berbera

Mareeyaha Dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi,ayaa ku dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee la dhagax dhigayo dhismaha dekedda cusub ee magaalada Berbera iyo hannaanka shaqo ee dekedda Berbera waxa siday wax uga bedeleen.

Waxaanu waxba kama jiraan ka dhigay warar laga qoray dhismaha dekedda cusub oo shaki geliyay in dekedcusub la dhisayo.

Maareeye Siciid oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Waxa jira dad sheegaya warar been abuura oo aan xogogaal ahayn marka heshiisyada caalamiga ah la galo wakhti dheer ayay qaataan waanay dhamaatay shirkaddii eegaysay dhibaatada deegaanka ay ku keenayso dekedda cusubi waxaanu dhagax dhigga ugu horreeyaa uu bilaabmayaa 11 bisha Octoober,”.

Mareeyaha dekeda waxa uu sheegay in si xawliya ay u socoto shaqada dekeda Berbera.is la markaana afar iyo labaantanka saacadoodba ay shaqadu ka socoto dekeda.waxaana uu yidhi“Dekeddu si fiican ayay u shaqaynaysaa qalabkii ugu badnaa ayaanu keenay shaqaduna waxay usocotaa si xawliya barigii hore waxa la shaqayn jiray 7 subaxnimoilaa ilaa 2 duhurnimo,imikana 24 saacadoodba shaqada dekedu way socotaa waanay shaqaysaa dekedu waxaana isbedala saddex shifti oo mid waliba uu shaqeeyo sideed cadood , markaa afar iyo labaatanka saacadoodba waa laga shaqeeyaa dekeda,”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here