DEG DEG : Mid ka mid ah Wasiirada Xukuumada Oo shaaciyey inuu xilka iska casilay & Xog ku aadan sababta iscasilaadiisa

0
2298

DEG DEG : Mid ka mid ah Wasiirada Xukuumada Oo shaaciyey inuu xilka iska casilay & Xog ku aadan sababta iscasilaadiisa

Wasiirkii horumarinta degaanka ee maamulka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa ku dhawaaqay inuu iscasilay.

Wasiirka ayaan faahfaahin ka bixin sababta rasmiga ah ee uu shaqada iskaga casilay balse warar qaar ayaa sheegaya in sababaha uu isku casilay ay ka qeyb ka tahay Khilaaf soo gala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Gaas.

Dr. Cali C/llaahi Warsame ayaa maalmihii la soo dhaafay wajahay Fadeexad musuq oo ka dhalatay saddex mashruuc oo dhamantood muhiimad u lahaa shacabka Puntland, kuwaasoo ay ku jiraan mashaariic ay dawladda Jarmalku ka hirgalinaysay Puntland oo u joogsaday.

Madaxda Puntland ayuu ku eedeeyey inay danaha horumarineed ee degaanka ka hormariyaan danahooda gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here