Laba Caaqil Oo Caan Ah Oo Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa Iyo Sababta Loo Xidhay

0
1075

Laba Caaqil Oo Caan Ah Oo Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa Iyo Sababta Loo Xidhay

Magaalada Hargeysa waxa lagu xidhay Guddoomiyaha cuqaasha gobolka Maroodijeex Caaqil Xuseen Colaad Jaamac (Caaqil Halac) iyo Caaqil Siciid Cabdi Jaamac (Hadhiye) oo dhawaan loo caleemo saaray suldaan.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xadhiga cuqaasha, balse xogaha laga helayo ayaa waxay sheegayaan in la xidhay kadib markii dhawaan magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay in Caaqil Hadhiye loo caleemo saarayo Suldaan badhtamaha bisha soo socota.

Caaqil Siciid Cabdi Jaamac Hadhiye ayaa doonaya in uu noqdo Suldaanka guud ee beesha Muuse Abokor oo ka mid ah beelaha Arab. Waxa la rumaysan yahay in loo xidhay khilaaf ka dhashay jagada uu doonayo Caaqil Hadhiye iyada oo Caaqil Halac ka mid ahaa cuqaasha ka qayb galay munaasibadda lagu shaaciyay halka la sheegayo in cuqaal kale la doonayo in la xidho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here