Shirka Golaha Wasiirrada Puntland Oo Maanta Ka Dhacaya Badhan

0
709

Shirka Golaha Wasiirrada Puntland Oo Maanta Ka Dhacaya Badhan

Shirka golaha wasiirrada maamulka Puntland  ayaa maanta la qorsheeyey in uu ka dhaco magaalada Badhan oo ka tirsan gobolka Sanaag. Shirka golaha wasiirrada maamulka Puntland waxa shir guddoomin doona madaxweyne Cabdiweli Gaas oo isna ku sugan magaalada Badhan.

Shirka gollaha wasiiradda oo ay noqon doonto markii ugu horeysay ee uu ka dhaco magaaladda Badhan ayaa looga doodi doonaa shaqooyinkii caadiga ahaa ee wasiiradda Puntland ka doodi jireen todobaadkiiba hal mar.

Inta badan gollaha wasiiradda maamulka Puntland ayaa ku sugan magaaladda Badhan oo uu shalay gaaray Madaxweyne Gaas iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminaayey, sidoo kale waxaa magaaladaas ku sugan in ka badan 20-xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Dawlada Puntland.

Isla magaaladda Badhan waxaa ka dhici  doona shirka gudiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland, maadamada ay magaaladaas ku sugan yihiin gudigii joogtada ahaa ee baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here