Madaxweynaha Eritrea oo booqasho 3 cisho uga bilaabatay Abu Dhabi

0
810

Madaxweynaha Eritrea oo booqasho 3 cisho uga bilaabatay Abu Dhabi

adaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta, halkaasoo booqasho saddex cisho uga bilaabatay.

Booqashada Afwerki ee Abu Dhabi ayaa timid, kaddib markii Axadii la soo dhaafay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudiga ku saxiixeen isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed heshiis nabadeed.

Madaxweynaha Eritrea ayaa la kulmay Dhaxalsugaha Imaarada Abu Dhabi Maxamed Bin Zayed, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga, Dhaqaalaha, maalgashiga iyo ammaanka gobolka.

Imaaraadka Carabta ayaa qorsheynaya inuu dhiso dhuun shidaal isku xirta Addis Ababa iyo Dekeda magaalada Casab Eritrea.

Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa u muuqda kuwo indhahooda ku soo jeeda dalalka Gobolka, waxaana Sucuudiga uu door ku lahaa isbedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika, iyagoo ka qeyb qaatay heshiisiinta Itoobiya iyo Eritrea oo muddo 20 sano colaad u dhaxeeyay, iyadoo haatan socoto dib u heshiisiinta Eritrea iyo Jabuuti, oo markii u horeysay Madaxdooda muddo tobanaan sano kaddib ku kulmeen magaalada Jeddah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here