Guddoonka Baarlamaanka oo loo gudbiyay Mooshin u yeerid Ra’iisul Wasaaraha

0
884

Guddoonka Baarlamaanka oo loo gudbiyay Mooshin u yeerid Ra’iisul Wasaaraha

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa loo gudbiyay Mooshin Soo jeedin u yeerid ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Illaa 23 Xildhibaan ayaa saxiixday Mooshinka lagu dalbanayo inuu Ra’iisul Wasaaraha uu horyimaado Baarlamaanka.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Guddoonka ay ka dalbadeen Xildhibaanada Mooshinka saxiixay in la siiyo waqti ay kaga soo baxaan dagaan oo loogu soo daro soo jeedintaas ajandaha Baarlamaanka.

Xeer hoosaadka Golaha shacabka qodobkiisa 72aad ayaa dhigaya in 10 Xildhibaan soo jeedin u yeerid ay ka keeni karto Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo aan cod loo qaadin.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxay dood kulul ka lahaayeen amniga dalka, iyadoo eedeymo culus u soo jeediyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo shalay ka hadlayay gabagabadii kulanka ayaa sheegay in 50 xildhibaan ay hadleen aragtidooda iyo wixii talooyin ay soo jeediyeen la qoray, waxaana uu tilmaamay in arrinta ka hadleen labada Guddi loo saaray Guddiyada Difaaca iyo Amniga Golaha Shacabka.

Baarlamaanka ayaa waxaa hareeyay xaalad siyaasadeed oo la rumeysan yahay inay ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here