Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Soo Geba Gabeynaya Doodii Amniga

0
493

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Soo Geba Gabeynaya Doodii Amniga

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay soo geba gabeynayaan doodii ku saabsaneyd dhinaca Amniga oo Isniintii soo bilaabatay.

Xildhibaanada oo labadii maalmood la soo dhaafay siweyn uga hadlay amniga,isla markaana ay walaac ka muujiyeen waqtigaan.

Xildhibaanada oo isku qoray dooda  ayaa intooda badan  hadlay waxa ay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ku eedeeyeen inay ku fashilantay dhinaca amaanka.

Qaarkood xildhibaanada ayaa dalbaday in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Amniga uu horyimaado si wax looga weeydiiyo amniga dalka.

Kulanka Baarlamaanka oo Maanta galaya Maalintii Saddexaad ayaa waxa uu yahay kulankii ugu xasaasinaa tan iyo markii la doortay baarlamaanka 10-aad,waxaana intooda badan ay sheegeen in amniga Muqdisho uu yahay xilligaan sidii ugu xumeyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here