Madaxwaynaha Maamulka Puntland oo Saacadaha Soo Socda Ku Soo Wajahan Gobolka Sanaag, Ujeedadiisa iyo Aamusnaanta Xukuumadda Biixi.

0
830

Madaxwaynaha Maamulka Puntland oo Saacadaha Soo Socda Ku Soo Wajahan Gobolka Sanaag, Ujeedadiisa iyo Aamusnaanta Xukuumadda Biixi.

Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo wajahan deegaanka Badhan ee bariga Sanaag, waxaana la filayaa inuu sidookale booqdo degmada Hadaftimo.

Ujeedada socdaalkiisa ayaa ah inuu xadhiga ka jaro wada Ceel-Daahir iyo jaamacadda Maakhir University ee degmadaasi laga hirgaliyey.

Labadan mashruuc midna gacan kama gaysan maamulka Puntland maadaama ay wadada iska kaashadeen dadka deegaanku halka jaamacadana ay dawlado shisheeyey bixiyeen. Hase yeeshee arrintan ayaa qayb ka ah qorshaha madaxwayne Gaas ololaha ugu jiro inuu markale hogaamiyo maamulka Majeerteeniya.

Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa inay socdaalkan ku xalliso qorshaha arag oo dhaaf maadaama aanay wax qorshe ah ka yeelan imaatinka Gaas, sidoo kalena ay siyaasiyiinta beeshaasi u arkaan inaan safarkan Cabdiwali la faro gelin.

Ugu dambayn safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee madaxwayne Puntland ahi ku yimaado gobolka Sanaag tan 1998, waxaana xusid mudan in dhawaan uu Badhan soo gaadhay wasiir Jamaal oo ka socdau dawladda Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here