DAAWO : Gudoomiye Ciro Oo War Ka Soo Saarey Arimaha Doorashooyinka , Booqashada Madaxweyne Gaas Ee Badhan Iyo Xeerka Kufsiga

0
779

DAAWO : Gudoomiye Ciro Oo War Ka Soo Saarey Arimaha Doorashooyinka , Booqashada Madaxweyne Gaas Ee Badhan Iyo Xeerka Kufsiga

Hargeysa (Dalmar-News):- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo maanta ka hadlaayey kulan ay isku yimadeen xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadu ayaa waxaa uu ka Hadley arimo ay ka mid yahiin doorashooyinka dalka ku soo socda, booqashada madaxweyne gaasuu ku yimid magaalada badhan iyo xeerka Kufsiga ee dhawaan goluhu ansixiyey

Ugu horeyn Gudoomiy Cir ayaa sheegay in la isku af gartey in xisbi waliba 6 xubnood soo magacaabo isla markaana la isku lafo guro arimaha doorashooyinka mawqif-na la isku af garto

Sidoo kale Ciro ayaa ka Hadley booqashada uu madaxweyne Gaas oo ku yimid magaalada Badhan ee gobalka Sanaag waxaana uu booqashadaasi ku sifeeyey mid dhawaaci karta wada hadalkii nabadeed ee beesha caalamku ka dhex waday Puntland iyo Somaliland

Ugu Danbeyn Gudoomiye Ciro ayaa ka Hadley Xeera Kufsiga waxaana uu sheegay in dastuurka dalku dhigaayo in wax kasta oo diinta ka hor imanaaya aaney sharci aheyn , isla markaana hadii uu ilduuf jiro ay tahay in laga saaro oo la saxo

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan :

https://www.youtube.com/watch?v=RIKafOhE1xU

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here