Waa Sidee Xaaladda Xildhibaankii Xalay Qaraxa Loogu Xidhay Gaadhigiisa

0
627

Waa Sidee Xaaladda Xildhibaankii Xalay Qaraxa Loogu Xidhay Gaadhigiisa

Masuuliyiin uu kamid yahay ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeenimadii xalay Cisbitaalka waxa ay ku booqdeen xildhibaan Maxamed Mursal booroow oo dhaawac culus uu kasoo gaadhay qarax fiidnimadii xalay gaadhigiisa loogu xidhay.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in si dhow ay dowladda federaalka ula socon doonto Xaaladda Xildhibaanka isla markaana haddii xaaladiisa caafimaad dalka wax lagaga qaban waayo daryeel caafimaad dibada loogu qaadayo.

Dhakhaatiirka Cisbitaalka uu ku jiro xildhibaanka ayaa dhankooda ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay xaalada caafimaad ee xildhibaan Boorow iyagoona sheegay in ay soo kasoo raynbayso xaaladiisa Caafimaad.

Xalay ayay ahayd markii Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow uu ku qarxay gaadhi uu saarnaa oo noociisa lagu sheegay Toyoto Hilux xili uu marayay agagaarka madaxtooyada gaar ahaan dhanka Tiyaatarka qaranka,waxaana xildhibaanka uu qaraxaasi ku waayay gacantiisa Bidix halka uu ku dhintay dareewalkii waday gaarigii uu la socday xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana la sheegay in xildhibaan Boorow uu horay uga soo mid ahaa Baarlamaanadii kala duwanaa ee dalka soo maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here