Sargaal katirsanaa Xafiiska R/W Kheyre oo xil looga magacaabay Somaliland

0
715

Sargaal katirsanaa Xafiiska R/W Kheyre oo xil looga magacaabay Somaliland

Sargaal katirsanaa Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wakiilka maamulka Soomaaliland u jooga dalka Mareykanka.

Bashiir Good oo kamid ahaa la taliyaasha Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isaga tagay shaqadii uu ka hayay Xafiiska Kheyre, waxaana masuulkan maamulka Muuse Biixi u magacaabeen in uu Wakiil uga noqdo dalka Mareykanka.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey xilal ugu magaacabay masuuliyiin xilal kasoo qabtay maamulka Somaliland, waxaana masuuliyiin horey uga tirsanaa maamulka Somaliland ku jiraan golayaasha kala duwan ee dowlada Federaalka .

Maamulka Somaliland ayaa horey cafis ugu fidisay xubno xilal kasoo qabtay dowlada Soomaaliya , waxaana xubnahaasi kamid ah Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Ridwaan Xirsi iyo masuuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here