Kaaliyaha Raisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu oo loo haysto anshax xumo

0
697

Kaaliyaha Raisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu oo loo haysto anshax xumo

Nin kaaliye sare u ah Raisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegaya in uu muddo shaqada ka maqnaan doono arrintan oo imaanaysa ayadoo ay jiraan eedaymo xiriir ah oo ku aaddan anshax xumo dhanka galmada ah.

David Keyes ayaa sheegay in uu doonayo in uu magaciisa ka ilaaliyo ” eedaymaha beenta iyo been abuurka ah”

Wargayska The Times ee kasoo baxa Israa’iil ayaa sheegaya in 12 haween ah ay kusoo eedeeyeen habdhaqan aan haboonayn.

Sida uu sheegay wargays laga leeyahay Israa’iil 10 dumarkaas kamid ah ayaa codsaday in aan magacyadooda la sheegin.

War qoraal ah oo khamiistii soo baxay, ayaa Mr Keyes, 34 jir ah ku sheegay “in uu si buuxda ugu kalsoon yahay in runtu ay caddaan doonto”

Wargayska The Times ee Israa’iil ayaa sheegaya in eedaymahani ay dhaceen kahor intii aan Mr Keyes aan loo magacaabin afhayeenka saxaafadda dibadda ee Mr Netanyahu.

Khamiistii, siyaasiyiin badan oo reer Israa’iil ah ayaa Mr Netanyahu ugu baaqay in uu shaqada ka joojiyo Mr Keyes inta wararkaasi laga xaqiijinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here