Xogo Laga Helay Cidda Hurisay Fidmada Dagaalka Ka Dhex Qarxay Beelaha Gobolka Sool

0
1023

Xogo Laga Helay Cidda Hurisay Fidmada Dagaalka Ka Dhex Qarxay Beelaha Gobolka Sool

Xog lagu kalsoon yahay oo uu helay Wargeyska Foore ayaa xaqiijinaya in dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanada Dhumay iyo Dharkeyn Geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool ee Somaliland uu lugaha la galay hoggaamiyeyaasha Puntland, Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ku Xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Dagaal beeleedkan u dhexeeya Bahararsame iyo Qaad ayaa galaaftay nolosha 20 qofood (Labada dhinac), sida la xaqiijiyey halka dhaawaca uu gaadhayo afartan (Labada dhinac). Mid ka mid ah waxgaradka ku sugan Dhumay oo qeyb ka ah dadaalada lagu qaboojinayo dhiilada dhalisay cawaaqib xumada ayaa lagu soo warramayaa in uu aad ugu dhaliilay hoggaamiyeyaasha Puntland in ay dagaalkii Tukaraq u soo waarideen Koonfurta Gobolka Sool ee Somaliland iyo isku dhufashada labada beelood ee ood wadaagta ah. Sidoo kale xogta la helayo waxa ay sheegayaan In Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa ay dhaqaale xoog leh ku bixiyeen dagaalka u dhexeeya labada beelood.

Ujeedka ay Gaas iyo Camey ka leeyihiin dagaalka labada beelood ayaa ah sida ay xogta nagu soo gaadheyso in mas’uuliyadda dagaalkaas ay ku eedeeyaan Dawladda Somaliland, kaddibna ay ku dhuftaan labada beelood oo horeba cuqaashooda iyo waxgaradkooda ka shakisanaayeen in Somaliland lug ku leedahay. Sidoo kale Gaas iyo Camey oo dagaalka Tukaraq markii hore uga dan lahaa muddo korodhsi iyo in ay deegaanka xaalad amni darro galiyaan si ay u baaqato doorashada Puntland ayaa raadinaya qaab ay Laascaanood uga abuuraan jawi dagaal oo u dhexeya beelaha, si ay Somaliland ugu mashquuliyaan kaddibna dagaal uga ridaan Tukaraq.

Maxaa Keenay In Beelaha Baharasame Iyo Qaad La’isku Dhufto?

Gaas iyo Camey waxa ay u arkeen in labadan beelood ay si fudud uga mira dhalin karaan yoolkooda gurracan, maadama ay jirtay collaad hore oo u dhexesay. Sidoo kale labada beelood waxa uu si fudud dagaalkooda ugu soo fidi karaa magaalada Laascaanood oo ah halka bartilmaameedka u ah Gaas iyo Camey oo raadinaya fursad ay dagaal ku galiyaan shacabka magaladaas kaddib markii ay ku adkaatay in ay ka riixaan Somaliland tuulada Tukaraq.

Xogta Iyo Xilliga Uu Ku Soo Beegmay Dagaalku?

Xogtan oo lagu baahiyay Shabakadaha Wararka Xamar sida Caasimada Online ayaa lagu sheegay in Gaas iyo Camey sabab u yihiin ama huriyeen dagaalka ka socda Dhumay iyo Dharkeyn Geeyo waxa ay ku soo beegmeysaa xilli wasiirka amniga ee Puntland uu toddobaad ka hor dhaar ku maray in dagaal ka dhici doono deegaamada uu sheegay inay Dawladda Somaliland ka haysto. Sidoo kale, Camey ayaa muddo ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu kulamo kula lahaa bulshada ka soo jeeda SSC, kuwaas oo sida la sheegay ugu baaqay in la qaboojiyo dagaalka maadama ay u arkayeen in Gaas iyo isagaba daacad ka ahayn xorreynta waxa ay ugu yeedhaan Gobolka Sool balse ay doorashada ku galayaan.

Sidoo kale dagaalkan ayaa ku soo aadaya maalmo kaddib markii uu Gaas safar ku tagay Kismaayo oo uu kaga qeybgalayey shirkii hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada halkaas uga furmay. Inta badan dagaaladdii ka dhacayey Tukaraq waxa ay bilaabmi jireen marka uu Gaas ka safro Puntland, taas waxa ay xoojisay wararka sheegaya in Gaas lug ku leeyahay dagaalka ay labada beelood ee walaalaha ah isaga dileen 20-ka qof halka ay isaga dhaawaceen 40-ka kale. Ma aha markii ugu horreeysay ee Cabdiweli Gaas lagu eedeeyo dagaal beeleed, waxaa xusid mudan in lagu dhalleeceeyey dhaqaalihii uu ku bixiyey dagaal beeleedyadii u dhexeeyey beelaha Bahararsame iyo Cumar Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here