Wararkii ugu dambeeyay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta degmada Hodan

0
704

Wararkii ugu dambeeyay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta degmada Hodan

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday xarunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa gil-gilay magaalada oo dhan, waxaana cirka isku shareeray qiic iyo uuro.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Hodan ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof naftii hure ah uu beegsaday afaafka hore ee xarunta degmada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu burburiyay xarunta degmada Hodan iyo dhismayaasha ku dhow dhow.

Sawiro laga soo qaaday ayaa muujinayay burbur xooggan oo soo gaaray xarunta degmada iyo guryo ku dhow dhow.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa degmada Hodan, inkastoo ay xilli hore tahay.

Waa weerarkii labaad oo lagu qaado xarun degmo, todobaadkii hore ayay aheyd markii sidan oo kale gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here