DEG DEG : Qarax loo adeegsaday gaari gacan oo ka dhacay Muqdisho

0
551

DEG DEG : Qarax loo adeegsaday gaari gacan oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan afar ruux labo ka mid ah ay askar ahaayeen ayaa ku dhaawacantay qarax miino oo lagu xiray gaari gacan oo ka dhacay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa canshuuraha qaada ee loo yaqaano Munishiibiyo.

Wararka ayaa sheegaya in labada ruux kale ee dhaawacantay ay ahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka Suuqa Siinaay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa la hoos-geliyay gaari gacanka hoostiisa, lana dhigay halkii ay ku sugnaayeen ciidamada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo goobta qaraxa ka dhacay ayaa ka bilaabay baaritaano, waxaana ay qaadeen dhaawaca labo askari.

Dadka ayaa hadal hayay nuuca qaraxa loo adeegsaday oo ahaa gaari gacan kuwa ay ku shaqeystaan dadka xoogsatada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here