Daarasad Daahrogtay Sabab Kugu Kallifaysa Inaad Caruurtaada Beenta Barto! & Arrin Sabab u Ah In Arday Badani Ay Imtixaanka Qishaan

0
837

Daarasad Daahrogtay Sabab Kugu Kallifaysa Inaad Caruurtaada Beenta Barto! & Arrin Sabab u Ah In Arday Badani Ay Imtixaanka Qishaan

Waalidku caado ahaan caruurtooda waxey baraan inaaney been sheegin, laakiin daraasad cusub oo ay sameysay Jaamacadda TorontoCanada ayaa sheegaysa in caruurta oo la baro been fudud oo aan dhib badan keenayn xilliga ay yaryihiin ay kaaneyso faa’iidooyin ballaaran oo dhanka garashada, waa sida ay sheegayso jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska.

Daraasaddan ayaa koox caruur ah oo 42 canug ka kooban oo ku jira da’da iskuulka ka horreysa,  loo qeybiyay laba kooxood, kooxda koowaad wax been ah lama barin, halka kooxda labaad la baray sida ay beenta u sheegi lahaayeen si ay ugu guuleystaan ciyaarta indho isku qabsiga oo caruurta lagu ciyaarsiinayay.

Ilmahan yaryar ayaa waxaa la dheelsiiyay ciyaar ay dadka waaweyn ka qeybgalayaan, marka ilmaha yar uu dadka waaweyn khiyaano oo ay xaqiiqda ka soo saari waayaan ciyaarta waa loo sii wadayay. marka ay ciyaartu dhammaato waxaa ilmo kasta la siinayay shaqooyin lagu qiyaasayo habka fahamkooda, taas oo kulansaneysa waxyaabo badan sida; aragtida caqliga, awoodda fahamka ee niyadda shaqsiga kale, sidaas oo kale; awoodda baraarugga, iyo in howlgudashadiisa ay wanaagsan tahay, nidaamka, hortabinta walxaha iyo qorsheynta fiican.

Cilmi-baarayaashii waxaa u soo baxday natiijo layaab badan oo ah kooxdii beenta la baray iney ka sare mareen kuwii kale ee aan lagu ababin ee kooxda koowaad.

Cilmi-baarayaashu waxey yiraahdeen: “Markii maalmo kooban aan waxbarista ku wadnay, caruurtu si degdeg ah ayay khiyaanada u barteen!, waxaaney ka heleen faa’iidooyin garaad oo degdeg ah arrintaa ay barteen.”

Waxey intaa sii raaciyeen: “Si guud, fikaradani waxey xoojineysaa in habdhaqanka bulsho ee taban, sida muuqata, in laga helayo faa’iidooyin garasho marka dhaqankaasi uu u baahan yahay in hadafka qofku ku gaaro, mushkilad haysatana uu ku xalliyo.”

Daraasaddan oo dood badan ka dhalisay bahada waxbarashada iyo barbaarinta, ayaa waxey soo bandhigaysaa xujo in caruurta oo been la baro uu hagaajin karo xirfadahooda aqooneed caruurta inta aaney iskuulka gaarin ka hor.

Dr. Kang Lee oo daraasaddan ka qeybgalay, labaatankii sanno ee la soo dhaafayna caruurta ku tababarayay iney bartaan sida beenta loo sheego, ayaa waxa yiri: “Ka aabbe ahaan iyo macallimiin iyo bulshada oo dhan, waan ka welwelnaa marka aan aragno canug been sheegaya, dhaqankaasna waxaan ka dhignaa ku ilmaha yari uu ka qoomameeyo.”

Laakiin, waxaa caddaatay, ayuu yiri, in farqi weyn uu u dhaxeeyo caruurta xilli hore beenta barata iyo kuwa iyagoo weyn bartay: “Caruurta xilli hore beenta barataa aad ayay uga garaad sarreeyaan kuwa kale.”

Iyadoo arrintaasi jirto, natiijada daraasadda maaha in caruurta oo dhan la baro iney been sheegaan.

Qishka Imtixaanka

Dhanka kale, Dr. Lee waxa uu daraaseeyay sida ay caruurta ammaantu u saameyso, waxa uu tilmaamayaa in najiida daraasadaha casriga ah qaar ay tilmaamayaan in ammaanta ay caruurta ku riixdo iney wax qishaan, maadama ay ogyihiin in wax badan laga sugayo, gaar ahaan marka caruurta caqli badnaantooda uu waalidku marar badan ku ammaano, arrintaas oo cadaadis u keenta, marka dambana ku riixda iney isku dayaan waddo walba sidii ay natiijo fiican u keeni lahaayeen imtixaanka.

 

Daily Mail Online

@MailOnline

New study finds that learning how to fib can be good for preschoolers’ brains https://dailym.ai/2Q255Y0 

Why you SHOULD teach your child to lie

Anew study from researchers at University of Toronto has found that learning to fib might have many cognitive benefits, such as improving focus and understanding others’ emotions.

dailymail.co.uk

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here