Caadi Maahan Kaartada Cusub Ee laga Soo Bandhigay 2.0 Iyo Xilig Goos Gooskisa Kooban La Daawanaayo!!

0
1178

Caadi Maahan Kaartada Cusub Ee laga Soo Bandhigay 2.0 Iyo Xilig Goos Gooskisa Kooban La Daawanaayo!!

Waxaa kaartoyin cusub laga soo bandhigay mashruuca weyn ee 2.0 kaaso ay hogaamiyaal ka yihiin Super Stars kala ah Rajnikanth iyo Akshay Kumar waana film Tamil ah balse luuqado badan lagu daawan doono.

2.0 waa qeybta labaad ee Robot kaaso horey loo daawaday hogaamiyaalna ka ahaayeen Rajni iyo Aishwarya Rai Bachchan hadaba markaan Aish kuma jirto ee waxaa atirisho ka noqon doonto Amy Jackson.

Filmkaan ayaa maalmihii udambeyeen laga soo bandhigaayey kaartooyin xiiso badan kuwa qaarna Super Star Akshay Kumar dartiisa ayaa loo soo bandhigay maadama maanta sanad guuradiisa dhalasho ku beegantahay.

Filmkaan waxaa la daawan doona oo loo qorsheyay in India laga daawado 29 November 2018 sido kalena waxaa Director ka h Shankar oo sheekada filmkaanna qoray waana Director awood balaaran kuleh koonfur India.

Mashruucan kudhowaad 500 Crore miisaaniyad ah ayuu xambaarsanyahay ayadoo aalado casri ah loo adeegsaday sida VFX iyo kuwa kale waxaana la filaa in si weyn loo soo dhaween doono fariin ahaan iyo bandhig ahaan.

Waxaa kaloo xiiso leh in shaaca laga qaaday in goos gooskisa kooban filmkaan lasoo bandhigi doono 13 bishaan Sept sida la wada sugaayo fadlan halkaan hoose kaga bogo kaartooyinka 2.0 Laga soo bandhigaayey maalmahan:

Listen Up! Teaser of Rajinikanth, Akshay Kumar and Amy Jackson starrer 2.0 will be out on THIS date

Double treat! Akshay Kumar shares another look from 2.0 and it is all things dark and evil - view pic

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here