Soomaaliya oo la wareegeysa Shir Guddoonka Golaha Wasiirada Jaamacada Carabta

0
650

Soomaaliya oo la wareegeysa Shir Guddoonka Golaha Wasiirada Jaamacada Carabta

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in soomaaliya ay dhawaan la wareegeyso Shir guddoonka Golaha Wasiirada Carabta, kulankiisa 151,aad,kadib dadaal badan oo laga sameeyey dhinaca Siyaasada Arrimaha Dibada.

“Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shir guddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151,aad,Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda Muqdisho.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda.

Hadii uu dhab noqdo qorshaha Dowladda Soomaaliya kula wareegeyso Shir guddoonka Golaha Wasiirada Wadamada Jaamacadda Carabta waxaa suurtagal ah in shirkaas uu sanadka soo socda ee 2019 lagu qabto Magalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here