Ismaaciil Cumar Geelle oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea

0
627

Ismaaciil Cumar Geelle oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay oo khamiis aheyd waxaa uu Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax oo ka mid ahaa wafdiga Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya ee gaaray Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa Qasriga Madaxtooyada ku soo dhoweeyay wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, waxaana uu si wadajir ah isaga iyo Wasiirada arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhageystay dadaalada lagu soo afjarayo colaada labada dal iyo sidii xiriirka Jabuuti iyo Eritrea uu si caadi ugu soo noqon lahaa.

Wada hadalada ayaa looga xaajooday sidii dib u heshiisiin dhameystiran loo gaari lahaa, si loo xaliyo khilaafka labada dal u dhaxeeya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay dadaalada xalinta khilaafka labada dal uu yahay mid la sii wadayo, isla markaana gobolka u horseedayo horumari dhaqaale iyo is dhex gal joogto ah.

Sidoo kale dhankiisa waxaa hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa sheegay dalkiisa uu ka shaqeynayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa door weyn ka qaadanaya dib u heshiisiinta dalaka Jabuuti iyo Eritrea, waxaana tallaabooyinka socda ay ku soo aadayaa, xilli maalin ka hor heshiis saddex geesood ah ay ku kala saxiixdeen magaalada Asmara Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Eritrea iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here