Maamulka Puntland Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Joogaanta Kornayl Caarre Ee Deegaankooda Kuna Khasbay In Magaca Soomaaliya Kula Dagaalamo Somaliland

0
1453

Maamulka Puntland Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Joogaanta Kornayl Caarre Ee Deegaankooda Kuna Khasbay In Magaca Soomaaliya Kula Dagaalamo Somaliland

Maamul gobolleedka Puntland ayaa cadaadis xooggan saaray Jabhada hubaysan ee uu hoggaaminayo Kornayl Siciid Jaamac Cawil Caarre oo hore uga mid ahaa ciidammada qaranka Somaliland una goostay dhanka Puntland Isaga oo sheegay in cadaalad-darro ka jirto ciidammada qaranka dhexdooda.

Warar xog-ogaal ah oo ay heshay Shabakadda Wararka Ee Barigaafrikanews.com ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Puntland uu shuruudo adag ku xidhay joogitaanka Jabhadda kornayl Caarre ee deegaanadooda.

Shuruudaha uu Maamulka Puntland ku xidhay Jabhadda Kornayl Caarre ayaa waxa ka mid in magaca dawladda Soomaaliya kula dagaalamo Somaliland ku dhawaaqo in uu ka soo hor-jeedo Somaliland iyaga oo sheegay inay isaga la dagaalami doonaan haddii Puntland dhexdeeda ku joogo isaga oo aaminsan Somaliland.

Warar ah aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in maalintii doraad ay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland weerareen Jabhadda Kornayl Caarre taasi oo uu markii dambe kala dhex galay Boqor guud ee beelaha daarood Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan, mana jira cid xaqiijisay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Wasiirka wasaaradda ciyaaraha Boos Mire Maxamed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here