Musharixiinta Koofur Galbeed oo looga digay inay ilaalo gaar ahaaneed sameystaan

0
562

Musharixiinta Koofur Galbeed oo looga digay inay ilaalo gaar ahaaneed sameystaan

Taliska ciidamada booliska Koofur Galbeed ayaa digniin u diray dhamaan musharixiinta dooneysa inay ka qeyb galaan doorashada la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Taliyaha ciidamada booliska Koofur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa sheegay inay musharixiinta kaga digayaan inay sameystaan ilaalo gaar ah oo aysan ka war qabin Taliska ciidamada Booliska.

Wuxuu taliyaha sheegay inay heleen warbixino la xiriira in musharixiinta ay doonayaan inay shaqsiyaad ay isku heyb yihiin ka dhigtaan ilaaladooda gaarka ah, taasi oo caqabad ku noqon karta amaanka, sida uu sheegay.

Taliyaha, ayaa sheegay in la doonayo in ciidamada amaanka ee Koofur Galbeed ay ka qeyb qaataan xaqiijinta amniga doorashada, maadaama ay diiwaan gashan yihiin, lana yaqaano.

Musharixiinta ayuu sheegay in haddii ay lasoo xiriiraan u sameyn doonaan shaqsiyaad lagu kalsoon yahay oo xaqiijinaya amaankooda, laakiin aan la aqbaleyn in xubno ciidamada aan ka mid aheyn inay magaalada hub ku dhex qaataan.

Bisha soo socoto ee November ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here