Maxkamada Sare ee Itoobiya oo diidey in damiin lagu sii daayo Cabdi Maxamuud Cumar

0
985

Maxkamada Sare ee Itoobiya oo diidey in damiin lagu sii daayo Cabdi Maxamuud Cumar

Maxkamada Sare ee dalka Itoobiya ayaa   diiday in damiin lagu sii daayo Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  Cabdi Maxamud Cumar iyo saddex kale oo ka mid ahaa madaxda maamulkiisa.

Cabdi Maxamuud Cumar iyo qaar kamid ah mas’uuliyiin hore ugaga mid ahaa maamulkiisa oo qof dumar ah ku jirto ayaa loo haystaa Inay ku kaceen falal ka dhan ah bani’aadanimada ayna kiciyeen dagaalo iyo rabshado ay ku dhinteen konton ruux halka ay tobanaan kun oo kale ku barakaceen.

Eedeysanayaasha ayaa weydiistay in damiin lagu sii daayo iyagoo ku andacooday inay xanuunsan yihiin oo ay qabaan cuduro kala duwan ayna ka heleyn adeeg caafimaad iyo cunto wanaagsan gudaha halka ay ku xiran yihiin.

Booliska Itoobiya ayaa sheegay in dambiyada loo haysto ay yihiin kuwo ku qoran qodobka 3aad oo ah fal argagaxisinimo sidaas darteedna aan lagu sii deyn karin damiin.

Hase yeeshee Maxkamada ayaa u fasaxday in Madaxweynihii hore ee DDSI iyo xubnaha kale ee la xiran in cunto ay qoysaskoodu ugu keenaan halka ay ku xiran yihiin iyo in haddii mid ka mid ah uu xanuunsado dibadda loogaga raadin karo dhakhtar.

Maxkamadeynta Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo xubnaha la xiran ayaa dib loo dhigey illaa iyo 14ka bisha September 2018.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here