Booliska Uganda oo markale xabsiga dhigey Bobi Wine

0
687
Uganda Pop Star vs The President

Booliska Uganda oo markale xabsiga dhigey Bobi Wine

Bobi Wine oo ka mid ah baarlamaanka dalka Uganda ayaa loo diiday inuu ka dhoofo dalkiisa isagoo doonayay inuu dalka Maraykanka u aado si loogu soo daweeyo kadibna xabsiga ayaa loo taxaabay.

Xildhibaankan 32 jirka ah ayaa lagu sii daayay dhowaan damaanad kadib markii  lagu eedeeyay qayaano qaran.

Bobi Wine ayaa si qasab ah loogaga kaxeeyay garoonka diyaaradaha ee Enteppe waxaana la geeyay isbitaal halkaa oo ay ciidamadu ku ilaalinayaan.

Qareenka Bobi Wine ayaa sheegay in xoog loo adeegsaday markale; “Mar kale ayaa la xirey isagoo laga kaxeeyay garoonka diyaaradaha, waxaana garsoorihii sii daayay uu u fasaxay Baasaboorkisa sababtoo ah wuxuu u baahan yahay baaris caafimaad dalka dibadiisa u raadsado,”ayuu yiri  Robert Amsterdam oo ah qareenka Bobi Wine.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in Bobi Wine la daweynayo sababtoo ah waxa u sheegtay in jirdil lagu sameeyay.

Sidoo kale afhayeenka ayaa qirey in lala xirey xildhibaan kale Franciz Zaake kaasi oo doonayay inuu  hore u sii raaco Bobi Wine waxana uu afhayeenku ku eedeeyay xildhibaankaas inuu baxsanayay.

Taageerayaasha Bobi Wine ayaa banaanbaxyo ka dhigey magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here